Somali News

Nairobi: Xukunno lagu riday rag loo heysto weerarkii Wastgate

Nairobi-KNN-Garsoore ku sugan dalka Kenya ayaa xukun 18 sano iyo 33 sano oo xarig ah ku riday laba qof oo ku eedeysan inay gacan siiyeen weerarkii Wastgate Mall ee magaalada Nairobi.

Weerarkaas ayaa dhacay sanadkii 2013-kii waxaana mas’uuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab.

Suuqa la weeraray ee Westgate Mall oo ku yaalla bartmaha magaalada Nairobi xilligaas waxaa ku dhintay 67 qofood.

Dowladda Kenya xilliga weerarkaasi la soo afjarayna waxay sheegtay 4 ka mid ah dableydii weerarka soo qaadday in halkaasi lagu dilay.

Dableyda weerarka soo qaadday ayaa dhismaha ganacsiga ee Wastgate haysatay afar maalmood, weerarkaasi oo lagu sheegay inuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Kenya ka dhaca.

Xukunkan ay maxkamaddu ridday ayaa ahaa kii ugu horreeyey oo ay maxkamad ka soo saarto weerarka Westgate.

Eedeysanayaasha oo seddex toddobaad ka hor dambiga lagu helay, maxkamadda dacwadda qaadeysay waxay sii deysay Liibaan C/llaahi Cumar oo wax dambi ah lagu wayey.