Somali News

Natiijada doorashada Somaliland oo wali la sugayo

Natiijada doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada maamulka Somaliland ayaa si weyn loo sugayaa, taas oo ay weli socoto tirinta codadka, iyadoo ay dib u dhacday natiijo horudhac ah oo la filayay in guddiga doorashadu uu xalay shaaciyo.

Dadweynaha Somaliland ayaa si aad u sugaya natiijada doorashadan, iyadoo ay dhici karto in gobollada qaar sida gobolka Maroodi-jeex ay tirinta codadku qaadato maalmo kale oo dheeraad ah, maadaama uu yahay gobolka ay ka codeeyeen tirada ugu badan ee cod-bixiyeyaasha.

Waxaa jira natiijooyin ay dadku si dhow u xiiseynayaa, gaar ahaan baraha bulshada, kuwaas oo ay ka midyihiin Barkhad Jaamac Batuun oo u tartamay golaha wakiillada ee xisbiga Waddani iyo Ridwan Cusman oo u tartamay Duqa magaalada Boorama.

Goobjoogayaal caalami ah oo u kuur galaya doorashada Somaliland ayaa weli ku sugan goobaha lagu tirinayo codadka, kuwaas oo uu ka midyahay madaxweyhii hore ee waddanka Sierra Leone, Bal Koroma,

Kormeereyashan ayaa sheegay in farsamo ahaan diyaargaroowgii doorashadan uu ahaa mid aad u sarreeyay.