Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Natiijada Rasmiga ah ee doorashada dalka Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo.

Nairobi-KNN-Sida ay qorayaan warbaahinta Dalka kenya waxaa la filayaa in maanta si rasmi ah loogu dhawaaqo Natiijada lagu muransan yahay ee doorashadii dalkaasi.

Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa lafilayaa in ay dhawaan ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday  dalkasi, ayadoo shacabka Kenya ay sugayaan natiijadaasi.

Maalintii shalay ahayd ayaa Guddiga doorashadu waxey sugayeen ilaa iyo 170 form oo ka imaanayay 290ka deegaan doorasho ee Kenya, iyo ilaa iyo Kun form oo kale oo Iyana ka imaanayay 40, 883 goob codbiin si loo dhameystiro dhamaan documentiyada.

Wafula Chebukati  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo xuduudaha ee Kenya ayaa sheegay in dhamaan dukumintiyada ay sugayaan ay soo gaarayaan maanta, markaa ka dibna ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah.

Ilaa iyo haatan sida ka muuqata natiijooyinka horudhaca ah ee codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, waxaa ku horeeya madaxweynaha talada dalkaasi haayo Uhuru Kenyatta.

Wararka ka imaanaya magaalada Nairoobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socoto qaban qaabo ku aadan sidii guddiga doorashooyinka uu u shaacin lahaa natiijada rasmiga ah, waxaana lafilayaa in gelinkii dambe ee maanta ay gaarto.

Dhanka kale hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka NASA Raaila Odinga ayaa si weyn uga soo horjeeda habka ay u dhacday doorashadaasi isagoo ku tilmaamay in wax la musuq maasuqay.

Shir jaraa’id uu ku qabteen magaalada Nairobi isbahaysiga mucaaradka ee NASA ayay ku sheegeen in musharaxooda Raila Odinga uu heley codadka ugu badan, iyaga oo ugu baaqay in guddiga doorashooyinka ee IEBC in ay ku dhawaaqaan in Raila uu ku guuleystey madaxweynenimada Kenya.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in doorashadaasi ay u dhacday habkii loogu talagalay islamarkaana ugu baaqay musharixiintu in ay aqbalaan natiijada doorashadaasi hadii la shaaciyo.