Somali News

Natiijooyin hor dhac ah oo kasoo doorashada Israel.

Tirinta codadka ayaa bilaabatay Israel xilli malaayiin ruux ay ka qayb qaateen doorasho loo arko in ay tahay mid afti loogu qaadayo wax qabadka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Netanyahu, oo noqday bishii July Ra’iisul Wasaarihii Israel ee ugu waqtiga dheeraa, ayaa raadinaya in uu dhigo rikoor cusub haddii uu xafiiska kusoo laabto markiisa shanaad.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa tartan adag kala kulmaya taliyihii hore ee ciidamada ahna hogaamiyaha xisbiga Blue and White ee Benny Gantz.

Warar aanan lashaacini, lana hubin ayaa sheegaya in wareega koowaad ee codbixinta uu Netanyahu iyo xisbigiisa ay ku guul dareesteen in ay helaan aglabiyada kuraasta baarlamaanka oo ah 61 kursi.   

Warbaahinta Israel qaarkood ayaa sidoo kale warinaya in hogaamiyaha mucaaradka uu hogaanka u hayo natiijooyinka hordhaca ah isagoona hal kursi ka sareeyaa xisbiga talaya haya ee Likud.

Ku dhawaad 31 xisbi ayaa ku tartamaya 120 kursi oo ah kuraasta Baarlamaanka.