Somali News

NATO oo Ruushka uga digtay inuu ka baxo heshiiskii Gantaalaha.

Muqdisho-KNN-Waqtigu waa uu socdaa si loo badbaadiyo Heshiiskii Gantaalaha ee Ruushka lala galay, ayuu BBC u sheegay xog-hayaha Nato General Jens.

Ganaraalkaan ayaa waxaa uu balanqaaday in talaabo difaac ay jawaab uga dhigi doonaan Ruushka haddii uusan dib ugu laaban dhaqan-gelinta heshiiskii Gantaalaha ugu dambeyn 2da August.

“Waa in aan u diyaar garownaa duni heysata gantaalaha badan ee Ruushka” ayuu yiri Xog-haaha guud ee Nato.

Heshiiska waxaa la gaaray Sanadkii 1987 dii wuxuuna u dhexeeyay Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti. Waxaa heshiiskaas lagu mamnuucay horumarinta Gantaalaha ridada dhow iyo ridada dhexe.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku uu joojinayo waajibaadkii ka saarnaa meel marinta heshiiska isagoo Ruushka ku eedeeyay in uu heshiiska jabiyay.