Sports

Nemanja Matic oo bogaadiyay saaxiibkiis Paul Pogba.

Muqdisho-KNN-Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Nemanja Matic ayaa u sheegay saaxiibkiisa Paul Pogba inuu ku adkeysto awooda uu ku ciyaaro iyo qaab ciyaareedkiisa wanaagsan muujiyana inuu u qalmo qiimaha uu ku fadhiyo.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Faransiiska  ayaa 89 milyan oo ginni ugu soo laabtay Old Trafford, isagoo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Isbuucyadii dhowaa.

Pogba ayaa loo magacabay nin ka mid ah ciyaartoydii guulaha ka gaartay Manchester City iyo Bournemouth kulamadii ay wajahayn kooxdiisa, aakiin waxaa niyad jabiyay kulankii guuldarada 1-0 ay ka soo gaartay West Bromwich Albion.

Dhanka kale, Matic ayaa qiray in Pogba uu u baahan yahay inuu sameeyo wax badan oo uu ku sii wato joogitaankiisa si joogto ah.

“Marka la eego tayadiisa, shakhsiyadiisa, wuxuu u baahan yahay kalsooni dheeraad ah, wuxuu u baahan yahay inuu qaado mas’uuliyad dheeraad ah,” Matic ayuu u sheegay wargayska The Independent.

“Dabcan waa uu yar yahay, wuu fiicnaan karaa, wuuna fiicnaan doonaa, waxaana uu muujin doonaa kulanki City inuu mar walba ciyaari karo si ka fiican kulankaas.

Pogba ayaa ku soo bilowday 22 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, halka Matic loo isticmaalay inkabadan intaas 33 jeer ayuuna kazoo muuqday Untd.

Qalinkii:Aadam Aqyaar