Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo uu soo saaray Ergeyga u qaabilsan qaramada midoobe ee soomaaliya Nichalos Haysom ayuu kaga hadlay doorashada madaxtinimada koonfur galbeed soomaaliya ee dhowaan la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.
Doorashadaasi ayuu ku sheegay inay ka doonayaan inay u dhacdo mid xor ah oo xalaal ah, islamarkaana aanan ku jirin faragelin siyaasadeed.
Dhamaan murashaxiinta Koofur Galbeed, waa in ay helaan fursad loo siman yahay oo ay Doorashada uga qayb galaan, waana in ay helaan hannaan looga hortagi karo in Doorashada lagu xadgudbo, ha ahaato dhaqaale, cadaadis ama rabshado dhaca.
Xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya ee ka soo jeeda koonfur galbeed soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in lacago badan ay dowlada dhexe geysay Magaalada baydhabo ee Gobalka Bay.
Warar ay heshay KNN ayaa sheegay Gudigga Doorashada Koofur Galbeed ay Sheekh Muqtaar Roobow ay u ogolaadeen inuu u tartamo xilka Madaxtinimada ee Maamulkaasi.
Qoraalka uu soo saaray wakiilka qaramaada midoobe ee soomaaliya Nichalos Haysom ayaa imaanaya xili maalmo ka hor uu tagay magaalada Baydhabo, islamarkaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxweynaha koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, musharaxiinta u taagan qabashada madaxtinimada koonfur galbeed soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ah.


