Somali News

Nicholas Haysom oo ka hadlay Doorashada ku soo wajahan dalka.

Muqdisho-KNN-Ergayga cusub ee Qaramadda Midoobay uqaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom wareysi siiyey wargeyska Daily Maverick  ayaa waxaa uu kaga hadlay Xaalada Somaaliya xiligan ay marayso.

Haysom ayaa sheegay in ahmiyada koowaad uu siinayo inta uu jooga xafiiska Q.M ee Soomaaliya sidii ay dalka u dhici laheyd doorashada 2020 oo ku soo wajahan, arintaasi ayuu sheegay in ajandaha ugu horeeyo uu diirada saari doono.

Mr Haysom ayaa wareysiga ku sheegay in uu ka shaqayn doono arrimaha siyaasadda iyo sidii dalka ay uga hir-geli lahayd dowlad wanaag oo kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qaranimadda dalka.

Wareyska ayaa Danjiraha weydiiyay xaalada amaanka ee Dalka Xiligan sida uu yahay, waxaa uuna ku jawaabay.

“ Waxaan qirayaa  in amniga uu kamid yahay caqadabaha ugu waawayn ee horyaala dowladda hadda jirta, dhibaatada ugu badana waxaa ay ka timaadaa Al-Shabaab oo weeraro ka geysta Magaalooyinka waaweyn ee dalkan geeska Afrika.

Wakiilka ayaa Sheegay in loo  baahan yahay in ay Soomaaliya yeelato Dastuur aanan qabyo ahayn, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameystiro kahor doorashooyinka, taasi oo bud-dhig u ah inay noqoto xor iyo xalaal.

1-dii bishaan  ayay aheyd markii uu xilka la wareegay Wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom.