Uncategorized

Niciima Qorane oo lagu Xukumay Hargeysa.

Hargeeysa-KNN-Maxkamada gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa xukun saddex sano ah ku ridey Abwaan Naciima Axmed Qorane.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa Naciima Qorane ka xiray Magaalada Hargeysa kadib markii ay kusoo eedeeyeen inay faafinayso mabda’a Soomaaliweyn.

Qareenada u doodayay Naciima Qorane ayaa KNN u sheegay in dacwadaha lagu soo oogay ay ahaayeen ceebeyn qaranimada Somaliland ah iyo sidoo kale firkado ay ku qortay baraha bulshada, qoraaladaasi ayaa lagu sheegay inay ku taageertay Soomaaliweyn.

Shan iyo konton maalmood (55) oo dacwadeedu ka socotay maxkamad ku taala Magaalada Hargeysa maanta ayaa xukunkaasi lagu ridey.

Abwaan Niciima Qorane waxaa ay ku nooleyd sanadihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho kadib markii ay kasoo guurtay Somaliland.

Waxay ahayd dadka sida weyn ugu ololeeya Soomaaliweynimada ” qolyar ayay niman nagu soo xidhan oo shacabkayagii ayay kala googooyeen” ayay tidhi mar ay ka qaybgashay bandhig buugaagta oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Hadalkaasi kadib kuma noqon Somaliland iyadoo ka cabsi qabtay in la xidho, balse markii xukuumadda cusub ee Somaliland timid ayay tagtay Hargeysa si ay usoo booqato qoyskeeda oo magaalada ku nool.