Somali News

Nigeria oo maxkamad la tiigsan doonto ciddii jebisa amaro ay soo saartay

Nigeria ayaa sheegtay inay maxkamad la tiigsan doonto ciddii jebisa mamnuuciddii uu dalkaas ku soo rogay barta Twitter-ka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda.

Dowladda ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay dalkaasi ka mamnuuceyso Twitter-ka.

Shirkadaha telefoonnada ayaa lagu amray inay xannibaan bartaas, balse weli dadka qaar ayaa isticmaalaya.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kaddib markii shirkadda Twitter ay tirtay qoraal uu soo dhigay Madaxweyne Muhammadu Buhari, iyadoo shirkaddu ay sababta ku sheegtay in qoraalkaasi uu meel uga dhacayo siyaasaddeeda.

Qoraalkaas oo ku saabsanaa dagaalkii sokeere ee Nigeria ee 40 sano kahor, ayay dadka qaar u arkeen inuu khatar ku yahay dhaqdhaqaaqa ka socda koofur-bari dalkaas.