Somali News

“Nin dheer oo dhar cad wata” ayaa gowracay saqiirkii Baladweyne

Muqdisho-KNN-Naxdin ayaa ka jirta magaladda Baladweyne ee caasimadda Gobolka Hiiraan kadib markii gelinkii dambe ee Axaddii wiil Shan jir ah lagu gowracay xaafadda Howl-wadaag ee Baladweyne.

Qoyska wiilka la gowracay ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in wiilkooda la dilay, isagoo jiifa guriga dhexdiida. Axmed Nuur Ibraahim Cumar oo Abti u ah wiilka la gowracay ayaa sheegay in wiilka uu gowracay “Nin dheer oo dhar cad wata,” kaasi oo aan wali la aqoonsan.

“Ilmuhu geed Talaal ah oo guriga hoostiisa ah  ayey jiifeen, Nin dhar cad oo dheer markii uu wiilka gowracay, ilmihii kale waa ay qayliyeen” ayuu yiri Axmed Nuur Ibraahim.

Dhacdadaan ayaa ah dhacdo naadir ah oo lagu dilay Shan jir aan waxba galabsan waxaa qoyska willku sheegeen in aysan jirin cid ay ku tuhmi karaan in ay falkaan ka dambeeysay.

Waa dhacdadii ugu horeeysay ee nuuceeda ah ee Saqiir lagu  gowracay Baladweyne, sida uu sheegay Abti Axmed. “Waligeey ma aanan arag dhacdo nuucaan ah” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed.

Waxaa durba magaaladda Baladweyne ku faaftay sheekadda Wiilka la gowracay waxaana qoyska dhibku gaaray garab istaag u muujiyay Dadweynaha magaaladda oo buux dhaafiyay gurigii uu dhibku ka dhacay.

Sida uu sheegay Axmed Nuur Ibraahim Cumar waxaa dareen naxdin ah qaba ilmihii arkay walaalkood oo la gowracayo. Waxay ahaayeen Sedax wiil waxayna jiifeen hal meel ayuu Axmed u sheegay Barnaamijka Xogwareysi ee KNN.

Wiilka la gowracay hooyadiis ayaa tiri “Wiilkeyga qadartiisa ayaa soo dhaamatay, alxamdu lillaah wixii ilaaheey keenay marwalba waan ku qabaa (ku qanacsanahay)”.

“Qofkii dilay asaga ayaa dhib qaba, asaguna (wiilkeyga) qof dakano galay ma uusan ahayn” ayey hadalkeeda ku dartay dhibanaha hooyadiis oo aan magaceeda sheegin.

Majiro qof falka ka dhacay Baladweyne loo soo qabtay, hase ahaatee hey’adaha amniga ee magaladda ayaa ku mashquulsan baaritaanno.