Somali News

Nin dilay hooyo Soomaali ah oo la xukumay dalka Masar

Qaahira-KNN-Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa waxa ay xukuntay nin Misri oo dhowr sano ka hor dil ugaystay hooyo Soomaaliyeed.

Ninkan oo lagu magacaabo Jibriil Qasaal ayaa sanadkii 2016-kii waxa uu dil ugaystay hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamuud Xasan. Maxkamadda ayaa ku xukuntay dilaagan 7-sano oo xarig ah.

Ugu danbeyn waxaa la filayaa in la siiyo qoyska hooyadan magdhaw, waxaana markale lagu balansanyahay in Maxkamdda dib la isugu soo laabto.