Somali News

Nin Ganacsade ahaa oo xalay lagu dilay Gaalkacyo.

Galkacyo-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi xalay lagu dilay ganacsade caan ka ahaa magaaladaas, kaasi oo lagu magacaabi jiray  Cabdi Kaafi Yuusuf.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in koox hubeysan ay huwiyeen rasaas taasi oo keentay in durabadiiba marxuumku uu goobta ku dhinto.

Dilka kooxdii  hubeysneed  ee ka dambeeyay ayaa la sheegay inay baxsadeen kadib falka waxaana halkaasi gaaray ciidamada amaanka ee magaalada gaalkacyo, Waxeyna sameeyeen Ciidamadu baaritaano lagu baadi goobayo dadka falka ka dambeeyay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay dilalka ka dhacaya magaalada Gaalkacyo, waxaana ugu danbeeyay Dilkii loo geestay Taliyihii hore ee Ciidamada birmadka Puntland oo Gaalkacyo lagu dilay.