Uncategorized

Nin hubaysan oo toogasho ka geystay dalka Belgium

Muqdisho-KNN-Nin hubaysan ayaa dalka Belgium ku toogtay laba nin oo booliis ah, waxaana toogashada ay ka dhacday magaalada Liege ee ku taalla bariga dalkaasi sida ay ku waramayso warbaahinta gudaha ee Belgiumka.

Booliiska dalkaasi ayaa Warbaahinta u sheegay in ninka weerarka geystay inta badan la xadiday waxyeeladiisa, islamarkana ay hadda xaaladda ay tahay mid dagan.

Wararka ayaa sheegaya in qofka weerarka looga shakisan yahay uu afduubtay haweeney.

Ma cadda ilaa iyo imika in haweeneydaasi ay waxyeelo soo gaartay iyo xaaladda ninka weerarka gaystay uu ku sugan yahay.

Waxaa wali soo baxaya faahfaahino dheeraad ah balse ma cadda u jeedadad uu ninkaasi weerarka u fuliyay.