Somali News

Nin hubeysan oo dad badan ku dilay degmada Galdogob ee gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya degmada Galdogob ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in nin jubeysan uu halkaas ku dilay afar qof.

Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ahaa askari ka tirsanaa ciidamada booliska oo ku sugnaa Kastamka Tuur-dibi iyo Aabbe iyo wiil uu dhalay oo ku sugnaa xaafad ka tirsan magaaladaasi.

Ninka dilka geystay ayaa lagu soo warramayaa in isna markii dambe la toogtay, isagoo isku dayayay inuu baxsado.

Waxa jira qof kale oo shacab ah oo ku dhaawacmay falkaasi, mana jiro ilaa hadda war ka soo baxay laamaha amniga ee Puntland iyo gobolkuba.