Muqdisho-KNN-Deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo dhaca duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho waxaa caawa ka dhacay fal argagax leh, kadib markii nin ku hubeysan qori AK47 ah uu weeraray qoys ka mid ahaa dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyey afar qofood ayaa goobta ku geeriyootay, halka dhaawacuna uu gaarayo shan kale, dhamaantoodna dadkaas waa isku qoys, sida ay noo sheegeen dadka deriska la ah reerkan.
Dadka dhibaatadu soo gaartay ayaa u badan caruur iyo haween, waxaana socda dadaallo loogu gurmanayo, iyadoo wararku ay sheegayaan in loo soo qaaday xarunta CID-da.
Ninkii falkaas geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxayna wararku intaas ku darayaan ninku reerkan uu weeraray uu ka qabay gabar.
Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco KNN.