Dhuusamareeb-KNN-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliaya ayaa ku soo warama in deegaanka Ceel-dheere oo u dhexeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel lagu arkay meydka nin is dal-dalay oo magaciisa lagu sheegay cabdi yare dhoodaan Maxamed Guuleed.
Alle ha u naxariistee Marxuumka is dal-dalay ayaa la sheegay in uu ka soo lugeeyay Degmada matabaan ee gobolka Hiiraan waxa uuna lugeynayay masaaafo ka badan 60 KM.
Sidoo kale Wararka idaacadda kulmiye ay heshay ayaa sheegaya in uu ahaa Xoolo dhaqato’ xoolihiisina ay galaafatay abaaraha ku dhuftay Soomaaliya oo wali ka taagan meelo ka mid ah Soomaaliya.
Meydka ninkaan oo ay dadka deegaanka Xalay ku arkeen Deegaanka Ceel-dheere oo u dhaxeeyo Magaaloyinka Dhuusamareeb iyo Guriceyl ayaa markii hore la aqoonsan Waayay balse markii danbe ayaa la helay faah faahin ku saabsan.
Dadkii tagay goobta uu isku dal-dalay ayaa KNN u sheegay in ay arkeeen isagoo ka soo laa-laada meydkiisa Geed oo Xarig ku xeran.
Abaarta ku dhufatay Soomaaliya oo wali ka taagan meelo ka mid ah Gobalada Dalka ayaa saameysay dad badan kuwaas oo u badan Xoolo dhaqato, waxaana jirtay tiro dad ah oo sidaan oo kale isku dal-dalay markii ay ka dhamaadeen Xoolo wixii ay la haayeen.
Halkaan ka dhageyso Warar ku saabsan Arintaan.