Somali News

Nin ku hubeysnaa qori AK-47 ah oo lagu toogtay degmo ka tirsan G/Sool

Laascaanood-KNN-Wararka aan ka heleyno gobolka Sool waxay sheegayaan in ciidamada booliska Somaliland ay toogteen qof hubeysnaa.

Qofkaas ayaa lagu dilay degmada Ari-Cadeeye ee gobolka Sool, oo ay waayihii dambe ay ka jireen aanooyin qabiil.

Waxaa la sheegay in boolisku mar sii horeysay ay ka digeen in magaalada aan lagu dhex qaadan karin hub sharci darro ah.

Wararka aan ka heleyni qaabka loo dilay qofkaas ayaa tilmaamaya in ciidamadu ninkaas inta aysan dilin ay ku amreen inuu dhigo qori uu ku hubeysnaa, balse uu diiday, kadibna ay toogteen.

Sida ay noo sheegeen dadka ku nool magaalada Ari-Cadeeye ee gobolka Sool, waxaa horay u dhaqan galay in dadka reer guuraaga ah ee isku dila aanooyinka qabiil aysan hubkooda lasoo gelin gudaha magaalada, balse ruuxa la dilay ayaa lasoo galay, markii boolisku qabtana waxuu diiday inuu hubka dhigo.