Gaalkacyo-KNN-Maxkamad ku taala magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maanta xukun dil ah iyo magdhow lacageed ku xukuntay Mukhtaar Cabdikaafi oo 36 jir ah.
Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegay in ninkaan uu ka dambeeyay fal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayna ku cadaadeen dambiyadii lagu soo eedeeyay.
Lacagta lagu xukumay ayaa gaareysa shan (5) kun oo doolar sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland.
Gaalkacyo ayaa waxaa aad ugu badan falalka kufsiga ah iyadoo kii ugu xumaa ee ka dhaca loo geestay Caasho Ilyaas taas oo aan ilaa hadda helin cadaalad.