Somali News

Nin lagu eedeeyay in muuqaalada u duubi jiray kooxda Daacish oo maanta maxkamad la soo taagay

Muqdisho-KNN-Maxkamadda Darajada 1-aad  ee ciidamada qalabka sida ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka soo muuqday Jaamac  Xuseen Xasan oo lagu eedeeyay in muuqaalada uu u duubi jiray Kooxda Daacish.

Eedeeynsane Jaamac ayaa lasoo qabtay sida Ciidamada amniga ay sheegeen asigoo aasayay Miino aga gaarka deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeelaha Hoose 18- bishii Abriil ee sanadkaan.

Jaamac ayaa sidoo la sheegay in tan iyo sanadkii 2013 kii uu ka mid ahaa kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Waqti dheer kadib Guddoomiyaha  Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalaabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhigii maxkmadda,  waxa uuna sheegay go’aanka Maxkamadda ay dib ka soo saari doonaan.