Somali News

Nin lagu eedeeyay in uu Qarax u diyaariyay Doorashadda dhexe ee Mareykanka oo la xiray

Muqdisho-KNN-Nin qorsheeyay in uu isku qarxiyo Washington DC maalinta ku xigta maalinta ay dhaceeyso Doorashadda dhexe ee mareeykanka ayaa la qabtay eedeeynna lagu soo oogay, sida ay sheegeen xeer ilaalintu.

Waxay sheegeen Paul Rosenfeld oo 56 jir ah in uu sameeyay Bomb 91 Kg ah uuna doonayay in uu ku qarxiyo goob Dukaameeysi oo ku taala Caasimadda mareeykanka 6-da November.

Haddii lagu helo Dambiga ka dhalan kara eedda loo soo jeediyay  waa 20 Sano oo xarig ah.