Somali News

Nin lagu eedeeyay Weerarkii New Zealand oo maxkamad lasoo taagay

Ninka sida wayn loogu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey toogashadii ka dhacday Labo masjid oo ku yaala dalka New Zealand ayaa Maxkamad la horkeenay waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil wareed shalay ka dhacay New Zealand.

Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia ayaa kasoo dhex muuqday shabaqa eedaysaneyaasha isagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan.

Waxaana la filayaa in lagusoo oogo dacwado dheeri ah.

Saraakiisha  Booliiska ayaa sheegay in Tarrant uu haystay afar qori iyo rukhsad dhanka hubka ah, xildhibaan Baarlamaanka New Zealand ka tirsan ayaana sheegay in “sharciyada hubka wax laga baddali doono”

Weerarkii Masaajidda lagu qaaday waxaa ku dhintay 49 qof waxaana ku dhaawacmay 20 iyo dheeraad qof.

Labo qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay. Mana jiro qof kamid ah dadkaas xiran oo horay dambiyo u galay.

Mr Tarrant ayaa xiran wax dambi ahna ma aanu qiran, waxaana lagu wadaa in 5-ta April markale maxkamadda la horkeeno.