London-KNN-Sida ay baahiyeen Warbaahinta Caalamka Magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan, taasi oo ah in Aadan Daahir oo Soomaali ah uu xaaskiisa Aasiya Cumar uu ku dilo halkaasi, waxaana warkaan ay warbaahinta ka soo xigatay Booliska Dalkaasi.
Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay kadib khilaaf yar oo maalmahan ka dhex jiray Aadan Daahir iyo xaaskiisa ooo uu gacantiisa ku dilay, wuxuuna dilkeeda u adeegsaday Mindi, taasi oo uu kaga dhuftay qeybaha dhexe ee jirkeeda.
Aasiya Daahr oo markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka ayaa la sheegay in markii dambe ay u geeryootay dhaawicii soo gaaray, maadaama Mindida uu meel halis ah kaga dhuftay.
Dadka Soomaalida ayaa arintaan walaac ka muujiyay iyadoo ay ku noqotay layaab ah falkaan ka dhacay Magaalada Bristol ee UK.