Muqdisho-KNN-Sida ay KNN u sheegeen dadka ku nool Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir nin ayaa la sheegay in Xaaskiisa uu ku gowracay Xaafaddaasi.
Gabadha uu dilay ninkaasi ayaa lagu magacaabi jiray Madiino Taajir waxaana la sheegay in uu ku dilay Mindi.
Dhacdadan ayaa dadka degaanka waxaa ay ku abuurtay Naxdin badan , waxaana baxsaday ninkii dilay xaaskiisa,iyadoona intaa kadib ciidamada Amaanka ay gacanta ku dhigeen.
Ninka dilka u geystay Xaaskiisa ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdi Cali Yuusuf.
Xasan Taajir oo ah Wiilka ay wada dhasheen gabadha la gowracay ayaa KNN u Sheegay in ay aad ugu xun yihiin falkan loo geystay Walaashiisa.
Arintan ayaa waxaa ay ka mid tahay dhacdooyinka ugu badan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo Gobalada dalka.