Uncategorized

Ninkii fuliyey weerarkii Las Vegas oo kaamirooyin ku xiray hotelkii uu deganaa

Booliiska Las Vegas ayaa macluumaad buuxa ka bixiyay heerka uu gaarsiisanaa qorshahihii Stephen Paddock markii uu weerarka toogashada ah uu geysanyay habeenkii Axadii.

Joseph Lombardo oo ka mid ah mas’uuliyiinta Las Vegas ayaa u sheegay BBC in Mr Paddock uu dhawr kaamiro dhigay qolkii uu ka deganaaa hotelkii uu ka geystay weerarka ay ku dhinteen 59 qof.

Waxa uu sheegay sarkaalkan Joseph Lombardo inuu ku dhawaad 50 qori uga tagay qolkiisa, ka hor inta uusan si ula kac ah isu dilin.

Balse booliiska ayaa sheegay inaysan jirin calaamad muujineysa sababta uu weerarkan xasuuqa ah u geystay.

Booliisku waxaa ay ogaadeen in Mr Paddock uusan xiriir la lahayn wax urur argagixo ah oo dibedda ama gudaha Maraykanaka ka dhisan.

Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay ninkan toogashada geystay inuu ahaa qof shaqisiyan u xanuunsan.