Somali News

NISA oo Muqdisho ku qabatay Dagaalame ka tirsan Kooxda Daacish.

Muqdisho-KNN-War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada Dagaalame ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha.

“Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda.

Ciidamada Amaanka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay howlgalo ka sameynayeen Magaalada Muqdisho.