Somali News

NISA oo Muqdisho ku xirtay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan

Muqdisho-KNN-Sida ay noo xaqiijiyeen ehelladiisa, ciidamada Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa xalay Muqdisho ku xiray Xaaji Abuukar Cumar Cadaan.

Abuukar Cumar Cadaan ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye oo maanta la siidey doono waxa uu ku yiri “Al-Shabaab waan taageersanahay mabda’ ahaan, gaalada Xalane ku jirtana in la baaba’sho waan rabaa.”

Dhawaan ayey sidaan oo kale NISA u xirtay walaalkiis Maxamuud Cumar Cadaan, kaas oo lagu eedeeyay inuu la macaamilay Al-Shabaab.

Hoos ka Daawo hor dhaca wareysigan oo KNN ay la yeelatay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

https://www.facebook.com/1236423836460048/posts/2745544648881285/?sfnsn=mo