Somali News

NISA oo Sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay Xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal la sameeyay deegaanka Ceelasha biya lagu soo qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka Hayd’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal xirfadeysan oo aan cidi wax ku noqon lagu qabtay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo maleegayay qaraxyo sida hadalka loo dhigay.

Taliska NISA ma shaacin Magaca Shaqsiga ay sheegtay inay qabatay.

Taliska Nabad Sugida Soomaaliya ee NISA ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay shaacineysay in howlgallo ay sameeyeen ay ku qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya.