Somali News

NISA oo sheegtay in howlgal lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Haya’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay Toddoba ka tirsana dagaalameyaasha Al-shabaab, hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa:-

1. Cabdiraxmaan Dheere

2. Horjooge Mucaad

3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif