Somali News

NISA oo sheegtay in xubin ka tirsan Al-Shabaab iyo qaraxyo ay ku soo qabteen Ceelasha Biyaha

Muqdisho-KNN-Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in howlgal ay ciidamada nabad sugida ay ka fuliyeen deegaanka Ceelash biyaha ay ka soo qabteen xubin ka tirsanaa dagaalamayaasha  Al-shabaab  iyo walxaha qaraxa uu gurigiisa ku heestay.

Qoraal kooban oo lagu qoray barta Twitter-ka Hay’ada  Nabad sugida iyo sirdonka  qaranka  ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada amniga howlgal ay ka sameeyeen xalay deegaanka Ceelasha biyaha ay ku soo qabteen nin ay ku eedeeyeen In uu ka tirsanyahay  dagaalamayaasha  Al-shabaab, waxayna intaa raaciyeen in ninkan gurigiisa ay  ka soo qabteen uu ku haystay walxaha qarxa si shacabka ugu dhibaateeyo.

Hayada ma baahin  magaca ninkan sawirkiisa  iyo xilka uu ka hayay dagalaamayaasha Al-shabaab

NISA waxaa ay sheegtay in Ciidanka Amniga walxa qarxa ee ninkan gurigiisa ay ka soo Helen ayey iskugu jiraan ,10 Miinada gawaarida lagu dhajiyo, 10 Mobile iyo 8 Bambo F1.