Somali News

NISA oo sheegtay in Xubno Shabaab ah ay ku dileen Sh.Hoose.

Muqdisho-KNN-War qoraal  ah  oo ka soo baxay hay’ada nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee  NISA ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacay Deegaanka Kuunyo Barow ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay xubin Sare oo ka tirsan dagaalamayaasha Shabaab.

Duqeynta ayaa waxaa ay dhacday Khamiistii la soo dhaafay,waxaa ayna hay’adu sheegtay in ay howlgal qorsheysan ku dishay Xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalka la dilaya ayaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaa uu u qaabilsanaa uruurinta lacagaha laga soo qaado dadka shacabka ee ku nool Gobalka Shabeelaha hoose, islamarkaana waxaa ay tilmaameen hay’adu inuu dhibaato ku hayay Al-Shabaab.

NISA ma sheegin Magaca Xubnaha sare sare ee laga dilay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Halkan ka Akhriso