Somali News

NISA oo sheegtay inay bur burisay saldhig shabaab ay ku leeyihiin Sh.Hoose.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Nabad sugida Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay Howgal ka dhacay Shabeelaha Hoose.

NISA ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay howlgal qorsheysan ku qaaday deegaanka Dugule ee Gobolka Shabeellaha hoose, islamaarkana waxaa uu taliska sheegay in la bur buriyay saldhigii Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi.

Qoraalka Taliska NISA oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaadeen saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule,halkaasina lagu bur buriyay Saldhigoodii,sidoo kalena waxaa gacanta lagu dhigay howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jiray.

“Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule. Saldhigooda waa la burburiyay, howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jirayna gacanta ayaa lagu soo dhigay.#NISA,” ayaa lagu yiri warka NISA.