Somali News

NISA oo soo bandhigtay Xubno Al-Shabaab ah oo la soo qabtay.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo lagu daabacay Barta Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaar ka mid ah Sawirada saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegtay inay isku soo dhiibeen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in 9 ka tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab ay isku-soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka gedo, iyada oo laba ka mid ah Sawiradooda la soo bandhigay.

Labada Sarkaal ayaa NISA waxa ay sheegtay in Al-Shabaab ay u qaabilsanaayeen maktabka Dacawada  Xizbada iyo Maktabka (Fursaanul Xizba).

https://twitter.com/HSNQ_NISA/status/1125511315165011971