Somali News

NISA oo xalay afduubatay Weriye C/llaahi Kulmiye Cadow

Muqdisho-KNN-Ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya ayaa xalay hoygiisa uu Muqdisho ka deganaa kala baxay Weriye Cabdullahi Kulmiye Cadoow oo ka tirsan shaqaalaha KNN.

Lama oga sababta ka dambeysay in la xiro Weriyaha, sidoo kale lamana oga halka ay geeyeen ciidamadii ka xeystay.

Sida ay noo xaqiijiyeen ehellada Weriyaha ma jirto wax sharci ah oo loo soo maray xarigga Weriyaha.

Sidoo kale waxay noo xaqiijiyeen ehellada Cabdullahi Kulmiye in ciidamada saqdii dhexe ee xalay gurigiisa kala baxay ay ka tirsanaayeen NISA.

Ciidamada ayaa saqdii dhexe ee xalay xoog ku galay guriga Weriyaha, waxayna u afduubteen, isla markaana ula dhaqmeen si ka baxsan sharciga saxaafadda iyo sharuucda guud ee dalka.

Waxaa xusid mudan in sharciga saxaafadda ee dhawaan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo uu dhigayo in Weriye aan la xiri karin, iyadoo aan loo wadin waaran maxkamadeed.

Hasa yeeshee waxaa muuqata in sharcigaas ay ku xad gudubtay dowladda Soomaaliya bilo gudahood markii uu saxiixay madaxweyne Farmaajo kadib.