Uncategorized

Nolol la’aan iyo niyad-jab Qaxooti Soomaaliyeed ku heysato Indonesia

Muqdisho-KNN-Warbixntan waxaa lagu daabacay wargeyska The Guardian ee kasoo baxo Ingiriiska, waxaanna cinwaan looga dhiggay ‘Niyad jabka nolloleed ee dumarka qaxootiga Soomaaliyeed ku heysto Indonesia’

Istahil, waa gabar Soomaaliyeed oo ku nool xero qaxooti oo ku taallo magaalada Jakarta, waxa ay isku diyaarineysaa guddashada Salaadda, waa 23-jir Soomaaliya ka tagtay markii la dilay aabbaheed, halkan waxaan ku dareemeynaa gaajo darran, ayeyna ku warrantay.
Haweenkan qaxootiga Soomaaliyeed, waxa ay fadhiyaan masaajidka Al- Barokah ee ku yaallo Jakarta, waana xilli habbeen ah, dumar badan ayaa soo gaary Indonisia, iyagoo oo ku sheegaya sababta ay u soo baxsadeen inay dhibaato qoysaskooda ay kala kulmeen Xarakadda Al shabaab, iminkana waxa ay ku nool yihiin waddooyinka.
Raxma, oo 25-sanno jir ah waxaa sawirkan looga qaaday Jakarta, waxa ay ka badbaaday sida ay sheegtay weerar qoyskeedda lagu qaaday, iyadoo xustay abbaheyd in madaxa laga gooyay, waxa ay xustay in la gubbay gannacsi ay lahaayeen, Raxma ayaa rumeysan waxa dhibkaas uu ugu dhacay inay aheyd gannacsigoodda oo ay macaamiil la ahaayeen inta badan shaqaallaha dowladda.
Iqra, oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed, waxa ay kasoo dageysaa jaran-jaro ku taallo halka ay ku nooshahay, sida ay sheegtay waa milkiile hotel oo hore sannadkii 2015-kii ayey tilmaamtay inay carartay kaddib markii hanjabaad uga timid xagjiriinta taasoo aheyd haddii aysan gannacsigeedda joojin in gacmaha laga jarayo.
Hawenka qaxootiga Soomaaliyeed ma shaqeyn karaan maadama aysan heli karin oggolaanshaha shaqo ee Indonesia, waxa ay codsi gargaar u dirayaan hay’ada qaxootiga adduunka ee UNHCR iyo hay’ado kale oo gargaar ah, waxa ay ka buuxaan hal qol oo kuraas aan laheyn waxanna ay sugayaan inay helaan cuntadda loogu talagalay qaxootiga.
Anisa, waxa ay qeyb ka tahay qaxootigga, halkan ayey ku hurdeysaa, waana hooyga ay ka heysato Jakarta, xilliyadda habbeenki dumarka waxa ay la kulmaan rabshaddo iyo isku dayo kufsi ah, raggu si joogto ah ayey isku dayaan inay na kufsadaan, haddii kale waxaa laga qaadaa wax yar oo lacag si ay u badbaadaan.
Safiya, waa ay fadhisaa waxaanna jilbaheedda ku jiifo gabadheedda Sabiriin oo siddeed sanno jir ah, 2015 ayey iyada iyo gabadheeda yar waxa ay ka tahriibeen Soomaaliya.
Ugu dambey wargeyska warbixntan qoray ayaa kusoo gabogabeeyay in dumarkan qaarkooxda marka ay safka u galayaan xaafiiska UNHCR, waxa ay habbeenkii sexdaan bannaanka hore ee xafiiska.
Dad badan oo Soomaaliyeed oo ka cararay collaadaha dalka jiray burburkii kaddib ayaa ku dhibateysan dalal badan oo dunida ah, kuwaas oo raadinayay inay helaan nolol ka beddelan midda ay heysteen.