Somali News

NUSOJ:- Qatar ayey wariyaasha kala kulmayaan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyrre.

Muqdisho-KNN-Maxamed Ibraahim Macalimuu Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul uga hadlay Qatar uu sheegay iney wajahayaan WarIyaasha iyo Warbaahinta ka howlgala magaalada Muqdisho taas uu sheegay in lagala kulmayo Dowladda Soomaaliya.

Macalimuu ayaa marka hore ka hadlay Nuur Ismaaciil Shiikh oo ah Wariye hami ka lahaa siyaasadda oo todobaad ah ku xiran magaalada maalin ka horna iyadoo aan Maxkamad la saarin loo gudbiyay Xabsiga dhexe waxaana bar-bar taagnaa Hooyada dhashay Wariye Nuur Ismaaciil.

Xoghayaha NUSOJ ayaa sheegay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyrre ay tahay Xukuumadii ugu adkeyd oo ay la shaqeeyaan Wariyaasha, waxa uuna sheegay in Wariyaasha laga dhigay qaar la siiyay laaluush oo la aamusiyay, kuwa loo hanjabay, iyo kuwa la xiray arintaasina ay curyaamineyso in lahelo warbaahin Madaxbanaan oo shaqeysa         

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Wariyaasha loola dhaqmo sida gacan ku dhiiglayaal, maalin walbana ay diiwaan geliyaan cabasho hanjabaad ah oo ay wariyaasha kala kulmaan Xukuumadda Soomaaliya waxa uuna cadeeyay in culees badan ay soo food-saartay warbaahinta ayna qarka u saaran yihiin in shaqada ay joojiyaan  

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo iyo cid kasta oo awooda ayuu ka dalbaday iney soo farageliyaan dhibaatada ay wajahayaan Wariyaasha hadii ay xaaladda sidaan sii ahaatana ay qatarta intaan ka badnaan doonto isagoo dalbaday in la soo daayo wariyaha u xeran Dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa hore loogu eedeeyay iney xertay shaqsiyaad isugu jira wariyaal, Siyaasiin iyo dad kale oo wax qora, kuwaas oo la sheegay iney dowladda ku dhaliilayn qoraal ay soo dhigeyn akoonada ay ku leeyihiin Baraha Bulshada ee Internet-ka, waxaana dadkaasi ugu dambeeyay Wariye Nuur Ismaaciil Shiikh oo mudo todobaad ah u xeran qoraal uu soo dhigay Bartiisa facebook.