Muqdisho-KNN-Musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Galmudug, ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayo siyaasadda cakiran ee maamulka Galmudug.
Ugu horeyn Odawaa ayaa dowladda dhexe uga digay in ay joojiso ciidanka ay ka daabulayso Muqdisho ee ay ku daad gureynayso magaalada Dhuusamareeb.
Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb.
Saraakiisha ciidamada ayuu musharax Cabdiraxmaan Odawaa uga digay in ay ka qeyb qaataan xasarado siyaasadeed oo ka dhasha deegaanada Galmudug.
Halkaan ka Daawo:


