Afgooye-KNN-Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose xalay fiidkii hore waxaa lagu dilay Nin oday ah, kaasi oo si weyn looga yaqaanay Afgooye.
Dabley aan heybtooda lagaraney ayaa Tuuladda Sagaalaad oo ka tirsan Afgooye waxa ay ku dishay Nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Cismaan Xaaji Qaasim.
Marxuumka ayaa la dilay xili uu ka soo baxay Salaadii Cishaha, iyadoona lagu toogtay iridda Masjidkii uu kasoo baxay oo ku yaalla Tuuladda Sagaalaad oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Kooxdii dilka u geysatay marxuumka ayaa goobta is kaga baxsatay, waxaana halkii lagu dilay gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana la sheegay in halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano lagu baadi goobayo ragii dilka geystay, walina lama sheegin cid loo soo qabtay dilka marxuumkaas.