Uncategorized

Odayaal dhaqameed wadahadal lagalaya Al-Shabaab

Sida uu daabacay wargayska the Star ee kasoo baxa dalka Kenya Odoyaasha dhaqanka degmada Mandeera ee gobolka Waqooyi-Bari Kenya ayaa wada xaajood lafuray dagaalamyaasha  Al-Shabaab si loo siidaayo Labo dhakhtar oo u dhashay dalka Cupa.

kuwasi oo Jimcihii lasoodhaafay koox hubeysan oo lagu tuhunsanyahay Al-Shabaab  ay kasoo Afduubteen degmada Mandheera ayagoo dilay Askeri ilaalo u ahaa.

Odoyaasha oo ka kooban 10 ruux ayaa shalay soo gaaray gudaha dalka Soomaaliya si wadahadal ay  Al-Shabaab ugala hadlaan dhakhaatiirta lagasoo afduubtay  gobolka ay Soomaalidu degto ee Dalka Kenya.

Guddoomiyaha degmada Mandeera Cali Roba oo weerarkaasi  si kulul u canbaareeyay ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay u xil saareen in Al-Shabaab ay wadahadalo kula soo galaan gudaha Soomaaliya si ay xuriyadooda u helaan labadaasi dhakhaatiir iyagoo bad qabana  Kenya loogu soo celin lahaa.

Afhayeenka Booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in kooxda dhakhaatiirta afduubatay ay la’aadeen dhanka Soomaaliya isagoona intaasi sii raaciyay in darwalkii dhaqaatiirtaasi waday ay xireen baaritaanana ay ku hayaan.

Ugu yaraan 100 dhakhaatiir ah oo kasoo jeeda dalka Cuba ayaa ka shaqeeya 47 dal oo Caalamka iyadoona sanadkii nadhaafay  ku dhawaad 50 dhakhtar oo Kenya u dhalatay ay u safreen Cuba si ay halkaasi tababar Caafimaad ugu soo qaataan.