Somali News

Odayaal lagu xiray Shabeelaha dhexe.

Jowhar-KNN-Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan (Axmed Faal), ayaa maanta soo xiray odayaal dhaqameed ku noolaa degaanka Gumarow ee degmada Raaga-ceelle.

Odayaashaan iyo maamulka iyo Xildhibaano ayaa maalmihii la soo dhaafay wadahal waxa uu uga socday degmada Raaga-ceelle ee Shabeelaha Dhexe, kulankooda ayaa ku saabsanaa sidii loo xalin lahaa dagaal bilo ka hor ka dhacay degmadaasi.

 Odayaasha ayaa u hogaansami waayay qodobo maamulka gobolka keenay oo colaadda lagu xalinayo, waxayna taasi sababtay in la xiro odayaal ku dhaw ilaa 10 qof.

Masuuliyiin ka tirsan HirShabeelle ayaa KNN u sheegay in odayaasha lagu xiray degmada Warshiikh islamarkaana maamulka gobolka iyo wafdigiisa ay usoo safreen magaalada Muqdisho.

Odayaasha maanta la xiray ayaa isku haaya, colaad bilo ka hor la dhacday degmada Raaga-ceelel, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac, Guryo la gubay iyo dhul lakala qabsaday.