Jowhar-KNN-Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Shalay Xabsiga dhigay Odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galayay Gogashii Nabadeed ee tiilay Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle kuwaas oo ka wada hadlay Xal u helidda Colaad beeleedkii ka dhacday degmada Cadalle ee gobalka Shabeelaha Dhexe.
Wararka ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ay ku heshiin waayeen joojinta dagaalkaasi iyo go’doonka laga qaado wadooyin hore ugu xirmay Dagaal beeleedkii dhawaan ka dhacay Cadalle kadib ay Maamulka Hirshabeelle amreen in xabsiga la dhigo odayaashii Gogasha ka qeyb galayay.
Wariyaha Idaacadda kulmiye ee gobalka ayaa soo sheegaya in Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda kulankooda uu hakad galayay mudo 3 jeer Maamulka Hirshabeellana ay fuliyeen dalabaad ka yimid odayaasha Balse ay dhaqan gali weysay dadaalkoodii ay wadeen Maamulka Hirshabeelle.
Mas’uuliyiinta Gobalka iyo Maamulka Hirshabeelle oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan go’aanka Odayaasha lagu xiray Jowhar.