Somali News

Odoyaal lagu xir xiray Kismaayo

Kismaayo-KNN-Wararka aan ka heleeyno Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee Jubaland ay xabsiga dhigeen odayaasha labo beelood oo ku dagaalamay maanta banaanka magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubaland.

Odoyaashii la xiray waxaa kamid ah Ugaaska mid ka mid ah Labada beelood ee dagaalamay, waxaana xilligan dhamaantood ay u xiranyihiin maamulka Jubaland.

Jubaland ayaa ku hoowlan sidii ay ujoojin lahayd colaad beeleedka ka taagan duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkii ugu danbeeyay oo goordhaw soo dhamaaday muddo saacad ka bandanna socday, waxaa ku dhintay sedex qof halka tiro kale ay dhaawacmeen.