Muqdisho-KNN-Olalaha Nadaafadda oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho kadib kulan ay yeesheen mas’uuliyiinta gobalka ayaa si xowli ah uga socda meelo ka mid ah Muqdisho.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Olalaha Nadaafadda Muqdisho looga gol leeyahay Billic soo celinta magaalada Colaadda ku raagtay ee Muqdisho.
Goobaha maanta Olalaha Nadaafadda laga sameeyay waxaa ka mid ah Golaha Murtida iyo madadaalada “Wacyi-gelinta “ ee Tiyaatarka Qaranka.
Haween badan oo ka mid ah Shaqaalaha Nadaafadda ee gobalka iyo dhalinyaro ayaa lagu arkayay Tiyaatarka Qaranka kuwaas oo Qashin badan oo muddo ka raagay ka soo saaray Tiyaatarka Qaranka.
Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure oo goob joog ka ahaa Olalaha Nadaafadda ee Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa sheegay in tani ay muujineyso ka go’naashiyaha maamulka gobalka Nadaafadda Muqdisho kaalintoodana ay qaadan doonaan.
Sidoo kale Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in howlaha Nadaafadda Muqdisho ay sii socon doonaan sidoo kalane ay jiraan qorshe kale oo wax looga qabanayo dhibaatooyin Bulsho oo ay wajahayso magaalada Muqdisho.
Kaliya Tiyaatarka Muqdisho maahan goobaha maanta Olalaha Nadaafadda laga sameeyay, waxaa sidoo kale Olalaha Billic soo celinta laga sameeyay degmooyin kale oo ku yaala gobalka Banaadir.