Somali News

OLF iyo Itoobiya oo heshiiyay

Casmara-KNN-Jabhadda Oromada ee lagu magacaabo OLF ayaa waxa ay heshiis la saxiixatay dowladda Itoobiya, kadib wadahadallo muddo socday.

Heshiiskan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Casmara ee caasimadda dalka Ereteria,waxaana dhex dhexaadinayay mudooyinkan labadan dhinac dowladda Ereteria.

Gudoomiyaha Jabhadda OLF oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiis rasmi ah ay la saxiixdeen Itoobiya, ayna dib ugu laaban doonaan Itoobiya, iyaga oo joojin doona halgankii hubeysnaa.