Uncategorized

ONLF oo dalbatay in la siidaayo xubno ka tirsan Jabhadda oo Itoobiya u xiran

Muqdisho-KNN-Jabhadda ONLF ayaa xaqiijisay in dawladda Itoobiya ay xabsiga kasii daysay Bashiir Axmed Makhtal oo dalkaasi ku xirnaa tan iyo sannadkii 2006-dii.

Bashiir ayaa loo haystay eedeymo ah inuu ka tirsan yahay jabhadda ONLF iyo inuu ku kacay falal argagixisnimo ah, maxkamadda dalka Itoobiyana ku xukuntay xabsi daa’in.

Bashiir ayaa iska fogeeyay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Xubno ka tirsan Jabhadda ONFL ayaa sheegay in xukumadda cusub ee Itoobiya ay ka sugayaan sidii ay u sii deynlahaayeen kuwa kale ee xiran.