Somali News

ONLF oo ka hadashay hadalkii Abi Axmed dhawaan kasoo yeeray

Muqdisho-KNN:-Jabhadda xoreeynta Soomaali Galbeed ee ONLF ayaa si cad waxa ay uga soo horjeesatay war dhawaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka hadlayay arimaha shidaalka laga helay Dhulka Soomaalida ee Itoobiya heeysato ayaa Sheegay in Kheeyraadka halkaa laga helay 5% ay ku yeelan doonaan dadka Soomaaliyeed ee dhulkooda laga helay.

Afhayeenka ONLF Cadaani Hirmooge oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee Bbc-da ayaa sheegay in Itoobiya oo awalba xoog ku heeysatay aysan hadana ka aqbali doonin in ay daba fariistaan Kheyraadka dhulkooda kasoo baxay.

Mar wax laga weeydiiyay In Shidaalkan ay la wadaagi karaan dhulalka kale ee Itoobiya xilligan ay Maamusho, ayuu Sheegay Hiirmooge in wixii dhulka Soomaalida kasoo baxa ay iyaga uun leeyihiin, oo cid kale aysanna gor gortan kala gali Karin.

Shirkada Shidaalka qoda oo laga leeyahay Shiinaha ayaa dhawaan ku guuleeysatay in ay Shidaal kasoo saarto dhulka Soomaali Galbeed, Isabadala ka jira Itoobiya ayaana la filayay in Cadaalada la helo balse waxaa muuqata in Xilligan aysan waxbadan isbadalin.