Somali News

ONLF oo maamulka Mustafe Cagjar ku eedeysay inuusan fulin heshiiskii ay wada gaareen

Jig-Jiga-KNN-Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka tirsan hoggaanka sare ee ONLF, ayaa xilli uu u waramayey TV-ga DDS, ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Mustafe Cagjar uusan fulin heshiisyadii ay la galeen.

Qalbi-dhagax ayaa sheegay in jabhadda ONLF iyo maamulka dowlad degaanka Soomaalida ay ku heshiiyeen in dib loo qarameeyo ciidanka jabahadda, isla markaana daryeel gaar ah loo sameeyo naafadii ciidankaas ku waxyeelloobay halgankii ay la galeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Wuxuu sheegay in ciidan ka badan seddax kun oo askari ay ku wareejiyeen maamulka uu hoggaamiyo Mustafe Cagjar, balse uu dayacay ciidankii lagu wareejiyay, taasina ay keentay inay kala tagaan oo qaarba meel ka dhaco.

Sidoo kale, Qalbi-Dhagax ayaa tilmaamay inay qoraal cabasho ah u gudbiyeen maamulka dowlad degaanka Soomaalida, qoraalkaasi oo ay ku dalbanayaan in la fuliyo heshiiskii qaramaynta ciidankii ONLF,  inkastoo uu xusay in aysan weli jawaab ka helin maamulka madaxweyne Mustafe.