Beladwayne-KNN-Wabiga Shabeelle ee mara meelo ka mid ah Gobalada Soomaaliya ayaa biya keenay kadib markii uu guray muddo kadib.
Dadka ku nool gobalada Shabeelooyinka iyo Hiiraan ee uu wabiga maro ayaa maalmihii la soo dhaafay wajahayay OON daran kadib markii uu wabiga guray, waxaana meelaha qaar laga dhaxlay Cuduro iyo Barakac ay sameeyeen dadka deegaanka.
Shacabka magaalada Beladwayne iyo Guud ahaan gobalka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay Biyaha Wabiga waxayna ku baaqayn in la maareeyo oo laga faa’iideesto Biyaha.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta gobalka ayaa ka digaya in ay fatahaad ka dhalato Wabiga oo maalmihii dambe gursanaa.
Dadka iyo duunyada ku nool Beledweyne ayaa biyo la’aa bilihii la soo dhaafay iyada oo hadda dadka magaalada ay heleen biyaha Wabiga Shabeelle.