Somali News

Pakistan oo sheegtay in aysan weerar militari ku qaadi doonin Hindiya.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Cimraam Khaan ayaa sheegay in dowladdiisa aysan weerar militari laga doonin dhigeeda dalka Hindiya.

Iyadoo ay sii kordheeso cabsida ku aadan in labadan dal oo Koonfurta Eeshiya ku yaalo uu dhax maro weerar dhanka Niyukleerka ayaa Ra’iisul Wasaare Khan sheegay in waqti xaadirkan aysan dhankooda diyaar u ahayn.

“Waxaan nahay labo dal oo ku hubaysan Niyukleer, hadday xiisadeena sii kororto waxa ay qatar ku tahay dunida oo idil” ayuu Ra’iisul Wasaare Khaan hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa waxaa horay u baahiyay wakaalada wararka ee Reuters isagoo balan qaaday in aysan marna adeegsan doonin hub Niyukleer ah.

Balse Wasiirka Arimaha Dibadda ee Pakistan ayaa qaba in aysan Pakistan badaleenin qorshaheeda ah in ay  isku difaacdo hubkeeda Niyukleerka.

Xiisdaha u dhaxeysa labada dal ee dariska ah marar badanna isku dhacay ayaa waxa ay sara u kacday kadib markii dowladda Hindiya ay maqaamkii gaarka ahaa ka qaaday gobolka ay muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir.