Sports

Paris Saint-Germain oo 100m ku doonaysa xidig katirsan Tottenham.

Muqdisho-KNN-Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay 100 milyan oo ginni ku dalbato ciyaaryahan Christian Eriksen oo ka mid ah xidigaha kooxda Tottenham Hotspur.

Eriksen ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii hore horyaalka Egland isagoo dhaliyay 14 gool 10 kalana caawiye ka ahaa, lakiin weli ma uusan ogolaanin inuu saxiixo qandaraas cusub oo uu kooxda kula joogayo inkastoo loo soo bandhigay heshiis cusub xagaagii hore.

Xidiga Qadka dhexe ee heerka caalami ee dalka Denmark ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxo badan oo Yurub ah, iyadoo PSG ay fahamsan tahay inay ka hormari karto dalabyada u imaanaya xidigan.

The Express Ayaa soo warineysa in Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 ay doonayso inay dalab u dirto xidigan iyafoo doonaysa inay suukha gayso xidigaheeda Angel Di Maria iyo Julian Draxler lacagaha kasoo baxana xidigan ku soo qaadato.

Real Madrid Ayaa Sidoo kale la fahansanyahy inay doonayso adeega xidigan maada Luka Moric lagayaabo inuu u dhaqaaqo Inter.

Tababare Mauricio Pochettino Ayaa u sheegay in Kooxda Daniel Levy awoodin inay ka tagaan xidigo kooxda maadama kooxdu aysan ciyaartooy kaysan xagaagan.

Eriksen oo Labo sano ka hartay qandaraaskiisa ayaa dhaliyay 56 Gool 226 kulan uu u saftay Tottenham.